Bosasopost.Com

About Bosasopost.Com

Waa Urur Kashaqeeya (Xiriirka iyo Isku Xirka) Dhalinta Soomaaliyeed meyl walibooy Joogaan. .
An Organisation working in (communication and Network) for SY

Bosasopost.Com Description

Warbaahin Lagu Kalsoonyahay

Reviews

User

#TAARIIKHDA_QORAALKA_AF_SOOMAALIGA __________________________
21-jan-1971
... #Qaybtii_10aad
#GUNAANAD -----------------------
Guntii iyo gabagabadii waxaynu ku soo gunaanadayna qoraalkii Taxanaha ahaa ee aynu ku lafa guraynay Tariikhdii soyaalka far-soomaliga, oo ah runtii Tariikh ku dayasho muddan, ahna taariikhaha wanagsan ee dalkeenu leeyhay.
Hadabba Akhristoow, talaabadaasi waxa ay ahayd mid hirgashay wax-wanagsana laga qabtay, wax-baddana ay u dhimanyihiin tayeenta iyo haqabtirka Afkeena.
"Ciddi Uma Maqna Ceelna Uma Qodna" waxa lagagaaga baahanyahay Akhristoow wixii aad ka qabankarto inaadan cidna uga fadjiyinee la timaado.
Dowladana, waxaa looga bahanyahay in ay ka qayb qaadato hormarinta afkeena iyo tayeentiisa iyada oo u samaynaysa kulamo caalima ah xusaysana maalinta afkeena hooyo, Manhajka dugsiyada lagu daro Af-soomali aqoontuna ay noqoto mid aynu ku dhigano afkeena hooyo.
Aynu hormarino Afkeena(Dawlad iyo Shacaba) Tallaabooyinkaas wanagsan oo uu jiilkii horre inooga tagayna aynu halkaas ka sii anba qaadno.
Akhristo, aan kula wadaago gabay runtii qiiro baddan oo uu Afkeena hooyo sheeganayo Eedo baddan.
#GABAYGA_ERGO
-Umadd yahay Afkoo ooyayoo ceelasha yimidee. -Ilmadda iga bi'i buu lahaa kuu Ergaan ahayee. -Adnaanka iga celi buu lahaa, Way i aradiyaanee. -Waa la ilaabayee maxaa lay Akhriyi waayay. -Waan kala irdhoobayee maxaa ururo ii diiday. -Ardaagana hadaan imi Maxaa lay or-oranwaayay. -Haddii aan Abaarsaday Maxaa Omaska lay-seexshay. -Ubax iyo hilowgii Maxaa aniga ii diiday. -Isir guuris baa igu socdiyoo inaan idlaadaaye. -Afafkaa horaytiyo lumay Amase ee faaday. -Awalaaligii horre baan ka imi waydni ogaynee. -Ingiriiskoo iman baan jirray Uluufaadee -Kushkaan Aabihii dhalay ahaa Ama adeerkoodee. -Ashqaraar waxaa u go'i lahaa Ama yulkuud aad ah. -Awoowgii horeetiyo hadii iman lahaa Nuuxee. -Ee duhuu tirsanayaa ka badan Ulaha geedahayee. -Haddii aad Abwaan iyo tihiin Niman aqoonteed leh. -Sidee baad ilmada looga bi'in Odaygan oo yaaya. ************** Abwaan: Abdulqadir Mataan.
--------------DHAMAAAD--------------
DHEEHO OO WAX KA DHEH.
...@Xuquuqda Sawiradda... Farshaxan: Mohamud Dirios
WQ: Ahmed Senda.
See more

User

#TAARIIKHDA_QORAALKA_AF_SOOMAALIGA _____________________________
21-jan-1971
... #Qaybtii_9aad
#OLALIHII_HIRGALINTA_FAR_SOOMAALIGA _____________________
Barnaamijka Olalihi hirgalinta far-soomaligu waxa uu ahaa arin geesinimo leh muujinaysana in ay umadda soomaliyeed wax qabsan karto iyaga oo ka marmaya gacan shisheeye.
Hirgalinta far-soomaligu waxa ay u muuqatay markii horre arrin aan suurtoobi karayn lakiin waxay noqotay in si fud oo wakhti yarna qaatay in la gaarsiiyo far qoraalka af-soomaliga meelkasta oo ay soomali dagto ee gayiga geeska afrika.
Dowladu waxa ay u-bilowday hirgalinta afka sadex waji oo karti iyo maamul wanaag ka muuqdo. ---------------- #Wajiga_1aad, waxa ay dowladu amar ku soo rogtay in dhamaan shaqaalah dowladu ay bartaa qoraalka af-soomaliga waliba ay ku bartaan muddo 3-bilood ah, markii danbana waxaa looga dhigay 6-bilood, taas oo sahashay in dhamaan shaqaalohii dowlada ay si sahal ah u bartaan qoraalka far soomaliga, qofkii aan barrana waa laga cayrinayay shaqadda qarranka. ------------------ #Wajiga_2aad, waxa dowladu amar ku soo rogray in dhamaan dugsiyada gobalada iyo dagmooyinka in laga hirgaliyo qoraalka af soomaliga ardaydana loogu dhigo casharadda far-soomali, ololahan waxa uu socday muddo 1-sano ah, dawladuna waxa ay ku guulaysatay in la gaarsiiyo dhamaan dugsiyada wax-barasho ee dalka ku yaal. --------------- #Wajiga_3aad, waxaa loo jeedsaday sidii dadka ku dhaqan meelaha ka baxsan magaalooyinka (Reer-miyi) in la gaarsiyo lana barro qoraalka af soomaliga, wajigani waxa uu ahaa kii ugu adkaa ugana kharash badnaa, dawladuna dadaal baddan ka dib waa ay ku guulaysteen in la gaarsiyo far barashadda af-soomaliga meel-kasta oo uu aqal soomali ka muddan yahay. ____________________________
LASOCO QAYBAHA XIGA... --------
FADLAN LA WADAAG ASXAABTAADA.
WQ: Ahmed Senda
See more

User

#MAALINTA_JACAYLKA_ADUUNKA _______________
14-Feb----sanad kasta --------------
...Continue reading

User

#TAARIIKHDA_QORAALKA_AF_SOOMALIGA ______________
21-jan-1971
...Continue reading

User

#TAARIIKHDA_QORAALKA_AF_SOOMAALIGA ____________
21-jun-1971
... #Qaybtii_7aad
#QORAALADII_FARTA_SOOMALIGA ____________
#FARTA_LAATIINKA
Farta laatiinka, waa farta ugu weyn, oo aduunka laga isticmaalo. Fartaan waxaa iska leh luqada Laatiinka.
Sanadii 1972 aya loo aqoonsaday in far-soomaliga lagu qorro Far-Laatiinka.
Farta-Soomaali Laatiinka waxaa fikradeeda lahaa oo habeeyay aqoonyahan #Shire_Jaamac_Axmed kaasi oo kaashanayay gudi ay Dowladii-Soomaaliya ku dartay. Shire wuxuu ahaa luuqadyahankii Soomaaliyeed ee allifay Far-Soomaaliga aan maanta u-naqaan( B,T,J ) ee la hirgalayay sanadkii 1972 .
___________________________________ TAARIIKH KOOBAN HALGANKII QORAALKA FARTA-LAATIIN EE FAR-SOOMALIGA ~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~
Aqoonyahanada shisheeyaha ah ee farta Laatiinka u adeegsan jirey qoraalka af-Soomaalig waxay kala ahaayeen (Ingiriis, Talyaani, Jarmal, Aawstiryaan iyo Faransiis). Bilowga abaaraha sannadkii 1887, Dhamme J. S. King oo Ingiriis ay dhalashadiisu tahay aya waxaa uu arkay dhibaatada qoraal la’aanta af-soomaaliga haysata. Kedib aqoonyahanadii ka-dambeeyey waxay kala ahaayeen: Mario Maino, Enrico Cerulli, Martino Moreno, Bruno Panza ( oo Talyaani ah); C.R.V. Bell, Liliad E. Armstrong, I.M.Lewis, B.W.Andrzejewiski, John Drysdale (oo Ingiriis ah); aqoonyahanada Jarmalka waxaa ka mid ahaa A. Klingnheben iyo Carl Lang iyo Reinisch Austrian. Waxaa beryo dambe ku soo biirey Maraykanka oo Barnaamijkii Peace Corps ahaa darteed ku xiiseyey qoraalka far Soomaaliga (Joseph Pia, Jeanne contini iyo Dr. Castagno). ---------------- Beryo dambe ayey dad Soomaali ah door bideen in farta Laatiinka loo isticmaalo qoraalka af Soomaaliga: Dadkaas waxaa ka mid ahaa Marwo Xaliimo Maxamed Cali, Cabdi Kheyre Cawaate, Cabdulaahi Xaaji Maxamed, Muuse Galaal iyo Shire Jaamac Axmed. Dadkaas doodoodu waxay ku salleysneyd faa’iidooyinka xaga farsamada iyo macquulnimada. Soo bixitaanka in farta Laatiinka lagu qoro af Soomaaliga waxay aad u yareysay inaysan farta Cusmaaniyada caan sii ahaanin, sababtoo ah dad xubno ka ahaa Ururkii SYL oo horey farta-Cusmaaniyada rabey ayaa qeybsamey, waxaana markii dambe soo baxay qaar farta-Laatiinka jecel. Soomaaliya waxay dawlad daakhliyad ah heshay sannadkii 1956 dii. Sannadkii 1957-dii ayaa Wasiirkii Koowaad (Rasul-wasaarihii) dalka ee la odhan jirey Cab-dulaahi Ciise wuxuu warar Soomaali ah ku daabacay wargeys af Talyaani ku soo baxa oo rasmi ah, isagoo adeegsaneya Farta Laatiinka. Waxaa aad arrintaas uga cadhoodey Guddigii Dhexe ee-Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL), waxayna weydiisteen in qoraalkaas la joojiyo. Ugu dambeystii, waxay ku heshiiyeen in-arrinkaas ku saabsan qoraalka Soomaaliga dib loo dhigo inta xoriyada laga qaadaneyo. ____________
LASOCO QAYBAHA XIGA...
FADLAN LAWADAAG ASXAABTAADA. ____________
WQ: Ahmed Senda.
See more

User

#TAARIIKHDA_QORAALKA_AF_SOOMALIGA ~~~~~~~~~~~~~ 21-Jan-1971.
#Qaybtii_6aad.
... #FAR_QORAALADII_AF_SOOMALIGA ----------
#FARIHII_CARABIGA_KU_QORNAA -----------
Af-soomaliga qoraalkiisu waxa uu-soomarray san horray ugu soo sheegnay qaybeheeni horre, qaabab kala duwan oo aynu uqaybinay.
#1-Qoraalo aqoonyahanada soomaliyeed ay hindiseen sida( Farta-Cusmaaniyada, Farta-Gaddabuursi"Boorame" iyo Fart-Kaddariyada).
#2-Qoraalo ku sallaysan Af-Carbeedka sida( Farta-wadaadka).
#3-Qoraalo ku sallaysan Af-laatiinka sida (Far-soomaliga hadda qorran). ----------- Qaybta horre waynu ka soo haddalna aqoonyahanka hindisay tariikhdiisa kooban iyo xiliga lasoosaray. ------------------
Manta waxaynu bilaabayna qoraalada Af-Carbeedka ku sallaysnaa oo aynu tusaalo usoo qaadanayno. -----------
#FARTA_WADAADKA ----------
Farta Wadaadka waa far Soomaali lagu qoray xuruufta Carabiga waxaa markii ugu horreeysay soo saaray Sheekh- #Yuusuf_Bin_Axmed_Al_Kownayn oo ku magac dheeraa "Aw-Barkhadle" kana mid ahaa wadaadada ugu magaca iyo maamuuska wayn Dalka-Soomaaliya qarnigii 13aad waxa uuna ugu tala galay in lagu barto quraanka, waxaase qarnigii 19aad halku ku joojiyay Sheekh Yuusuf ka sii ambaqaaday #Sheekh_Uwaysin_Maxamed_Al_Baraawi_Al_Qaa diri oo dib u habayn kusameeyay kuna qaabeeyay lahjadda "Maayda".
Waxaa si aad ah wax uga badalay habka higaadda farta-xuruufta carabiga ku qornayd #Muuse_Xaaji_Ismaaciil_Galaal oo ahaa sida la ogyahay aqoonyahayn ku takhasusay cilmiga luqadaha, waxa uu ku soo kordhiyay shaqalo cusub sanadii 1950-kii.
Farta "Wadaadka" waxa ay ahayd fartii ugu horreysay uu Af-soomali yeesho, wax wayna ku soo kordhisay tayadda Af-soomaliga.
--------------
LASOCO QAYBAHA XIGA.....
WQ: Ahmed Senda.
See more

User

#TAARIIKHDA_QORAALKA_AF_SOOMAALIGA
21-jan-1971
#Qaybtii_5aad
... #QORAALADA_AF_SOOMALIGA ---------
#FARTA_KADDARE ----------
Farta Kaddariyada waxa loogu magac daray hindisihii Dr. Xuseen Sh. Axmed oo ku magac dheeraa " KADDARE".
Farta Kaddare waa nidaam qoraal oo uu Af-soomaligu leeyahay, waxay aad ugu qaab dhowdahay farta Gadabuursiga laakiin waxay kaga duwan tahay nidaamka shaqaleynta iyo adkeynta ereyada.
#WAA_KUMA_XUSEEN_KADDARE
Dr. Xuseen Sh. Axmed "Kaddare" waxa uu ahaa(Qoraa Tariikhda, dhaqanka iyo suugaanta soomaliyeed,Cilmi-Baare, Mu-Allif ruwaayadaha soomalida). Waxa uu sanadkii 1934tii ku dhashay gobalka shabeelada dhexe waxa uuna ka soo jeeda qoys diinta aad loogu qadariyo gobaladaaas.
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii tirada yaraa ee isku dayay in dadka Soomaaliyeed helaan af qoran kaasoo ka gudbiya dadka Soomaaliyeed mugdigii ay ku jireen.
Dr. Xussein Sh. Axmed “Kaddare” wuxuu sanadkii 1952dii soo saaray far Soomaali qoran oo uu isagu sameeyay fartaas oo loo yaqaano(KADDARIYA).
Farta (kaddariya) waxa ay ka mid ahayd farihii ugu horeeyay ee gayiga soomaliyeed ka soo shaac baxa shacbiyad wanaagsana heshay.
Xuseen waxa uu dadaal u gallay in ay farta uu soo saray ay noqoto farta ay soomali waligeed isticmaali doonto lakiin dadaalkaasi ma uu san noqon mid u suurtooba gudigii qoridda Af-soomaligana ay ku qancaan.
Alle ha u naxariisto Xuseen Sh. Axmed sanadii 2015 ayuu ku geeryooday magaalada muqdisho. ----------
LASOCO QAYBAHA XIGA...
WQ: Ahmed Senda.
See more

User

#TAARIIKHDA_QORAALKA_AF_SOOMAALIGA ...
21-jan-1971
... #Qaybtii_4aad --------
#QORAALADII_AF_SOOMALIGA --------
#FARTA_GADABUURS --------
Farta-Gadabuursi waa nidaam wax-qoris oo ka mid ah Far-Soomaaliga taasi oo uu hindiseheeda lahaa Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur. Sida taariikhda lagu hayo, Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu alifey fartan sanadkii 1933 wakhtigaasi oo uu ku sugnaa magaalada Boorama , waxaana loogu magacdaray qoyska uu ka soo jeeday sheekh Cabdiraxmaan.
#Waa_kuma_Sheek_Cabdiraxmaan
Sheek Cabdiraxmaan Sheek Nuur waxa uu ahaa ( aqoonyahan, sheekh, qoraa, Barre iyo hogaamiye diimeed). Waxa uu ku dhashay sanadku markuu ahaa qiyaas ahaan 1880kii gobalada waqooyi(Awdal) soomaliya waxa uu sheek kitaabada marriya ka aha magaalada boorame.
Sanadii 1933dii ayuu soo bandhigay far qoraaleedka Gadabuursi(Gadabuursi script), muddo tobaneeyo sano markii laga joogay soo shaacbixida qoraalka farta cusmaaniyada(Osmaniya script), waxayna ka mid ahayd qoraaladii ugu horeeyay uu Af-soomaligu yeesho.
Farta Gadabuursi waxa ay ku soo kordhisay Af-soomaliga kobcin iyo hormarin qaab dhismeedka Afka, waxaana si wayn looga isticmaalay gobalada waqooyiga soomaliya(British-somaliland). --------
"Wixii qoran baa quruuma harree hadal muxuu qiimo leeyahay". ~~Murti-Soomaaliyeed~~ ----------
LASOCO QAYBAHA XIGA. -----------
WQ: Ahmed Senda.
See more

User

#TAARIIKHDA_QORAALKA_AF_SOOMALIGA -------- 21-Jan-1971
#Qaybtii_3aad... --------
#FARQORAALADII_AF_SOOMALIGA --------
1#Fariihii_Ay_Hindiseen_Aqoonyahanada_soo maliyeed --------
B- #FARTA_CUSMAANIYADDA --------
Qoraalka farta cusmaaniyada( Osmanya Script) waxaa loogu magacdaray CUSMAAN YUUSUF KEENADIID, oo ahaa hindisihii farta cusmaaniyada sanadkii1920kii.
Hablamid ah sida qoraalka Carabiga, marka farta Cusmaaniyada la qorayo waxaa laga soo bilaabaa dhanka Bidix illaa midig. Xarfaha fartu waxay ku salaysanyihiin tiriska xuruufta carabiga inta ay ka koobanyihiin. -------
#Waa_kuma_Cusmaan_Yuusuf_keenadiid --------
Cusmaan wuxuu ahaa ( Gabayaa, Qoraa, Barre iyo hogaaamiye soomaaliyeed) Cusmaan waxa uu ku dhashay gobolada dhexe ee soomaliya( Mudug iyo Galgaduud) sabadki markuu aha 1898dii, waxaa uu ka mid ahaa 4 wiil uu dhallay Suldaankii Hobyo ( Suldaan Cali Yusuf Kenadiid). Cusmaan waxa uu ahaa nin aqoon dheer uleh diinta islaamka waxabadana ka yaqiin luuqadaha Carabiga iyo Talyaaniga.
Markii horre waxa uu Cusmaan ku qoranjiray Af-soomaliga qoraal carbeed lakiin markii uu akhrin waayay Gabay uu ku qortay Af-Carabi ayuu go'aan ku gaaray inuu hindiso Far uu Af-soomaligu yeesho.
1920kii Cusmaan waxa uu soo bandhigay Far- soomali oo uu isagu hindisay qaab ahaana u eekeed qaabka ay u dhisantahay Af-Amxaariga( Afka ay ku hadlaan dadyowga Ethiopia).
Hindisaha Far qoraaleedka Cusmaaniyada( Osmanya Script) waxay ku soo kordhisay dadyowga soomaliyeed hormarinta Af-soomaliga, waxaana lagu qortay suugaano badan, waxayna si fiican u faaftay garab fiicana heshay markii uu ururkii SYL uu soomalida hormuud u ahaa. --------
LASOCO QAYBAHA XIGA. -------- FADLAN LA WADAAG ASXAABTAADA. ________
WQ: Ahmed Senda
See more

User

#TAARIIKHDA_QORAALKA_AF_SOOMAALIGA ---------- 21-Jan-1971
#Qaybtii_2aad
...Continue reading

User

#TAARIIKHDA_QORITAANKA_AF_SOOMAALIGA --------
Wixii qoran ayaa quruumo haree, hadal muxuu qiimo leeyahay.(#CABDI_SINIMO -------
... #QAYBTII_1aad..
Afku waa astaanta ugu mudan ee ay ummadi leedahay, waxaana Af kasta uu loolan iyo hardan xoog leh kaga yimaadaa Afafka kale.
Ummadii aan baraarug iyo feejignaan lahaynina waxaa soo wajaha Afkooda burbur. Qoraal la'aanta Afka soomaliga waxaa Ummada soomaliyeed kaga lumay tariikh iyo suugaan uu qoritaanka Afku soo tabin lahaa.
#Hordhac:
Af-Soomaligu waa mid ka mid ah afafka ugu muhiimsan loogana hadlo geeska afrika(Bariga Afrika) gaar ahaan SOOMALIYA, JABUUTI, waxaa kaloo si wayn loogaga hadlaa qaybo kamid ah dhulwaynaha ITOOBIYA & KIINIYA. wuxuu ka tirsanyahay Afafka loo yaqaan (KUSHEETIK) oo ah laan ka tirsan bahda luuqadaha (AFRO-AASIYA) soomaligu wuxuu ka siiyahay kusheetik Barri, waxaana ku hadla qiyaastii 25 malyan oo qof.
In kastoo Af soomaliga ay ku hadlaan dad qiyaastii intaas ay tiradoodu leeg tahay, oo ku baahsan dhulka baaxadaas ballaadhan leh, hadaba qoraalkiisa rasmiga ah wuxuu yeeshay sandii 1972dii. Muddadii intaas ka horraysay qoraalada ay dadka soomalidu kuwada xiriiri jireen waxaa ka mid ahaa luuqadaha (CARABIGA, TALYAANIGA, INGIRIISKA).
Hadaba maqaalkan oo noqon doona taxane waxaynu kaga hadli doonaa kuna so bandhiga doona, Tariikhda iyo sooyaalka Af-soomaliga oo maanta in badan oo dadkeena kamid ah aynan wax badan kala socon.
Waxyaalaha aynu ku lafa guridoona inta maqaalka taxanaha leh uu socda waxaa ka mid ah.
1- Tariikhda qoritaan Afka soomaliga iyo marxaladihii usoo maray. 2-qaybo kamid ah farihii la soo sarary ka hor qoritaan Af soomaliga oo aynu u kala qaybin doono: B- Qoraalada ay aqoonyahanada soomaliyeed Allifeen. T- Qoraalada ku salaysnaa Af Carbeedka. J-Qoraalada ku salaysnaa Af Laatiinka X- Gunaanad. '----------------'
LASOCO QAYBAHA XIGA.
WQ: Ahmed senda
See more

User

#MALMAHA_DALKEENA_LAGU_XASUISTO ....................
☆Waxaa ka mid ah:
... 1. 26kii Juun 1960kii xornimadii gobolada Waqooyi. 2. 1dii Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur. 3. 1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed. 4. 12ka Octobar Aas aaskii calanka soomaliyeed. 12 April maalinta xooga dalka Soomaaliyeed. 5. 8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed 6. 5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato. 7. 27kii Juun 1977kii xornimadii dalka Jabuuti. 8. 15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L 9 . bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga Africa ayaa lagu qabtay Xamar. 10. 20kii bishii 12aad sanadii 1950kii aasaaskii booliska soomaaliyeed. 11. 21 octobar sanadii 1972dii qoraalkii farta Soomaaliga 12. 16kii Febrayo 1974tii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta. 13. 1528-1542kii halgankii Axmed Gurey ee Itoobiya iyo Bortaqiiska. 14. 1900-1921juu Gakgabkii Sayid Max'ed Cabdulle Xasan ee Ingiriiska. 15. 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya. 16. Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Aadan Cabdulle Cismaan. 17. Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke. 18. bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday Max'ed Siyaad Barre 19. Warshadii kaluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii 20. Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii 21. Warshadda sonkorta Jowhar waxaa la aasaasay 1962dii 22. Warshadda Caanaha Xanar waxaa la dhisay 1966kii 23. Warshadda Hilibka ee Kismaayo waxaa la dhisay 1973kii.
DHEEHO OO WAX KA DHEH. ---------------- WQ: Ahmed Senda.
See more

User

https://youtu.be/lsraBM2FTWs

User

https://youtu.be/lsraBM2FTWs

User

http://www.bosasopost.com/?p=1146

User

http://www.bosasopost.com/?p=1163

User

http://www.bosasopost.com/?p=1140

User

http://www.bosasopost.com/?p=1104

More about Bosasopost.Com

Bosasopost.Com is located at bosasopost@gmail.com, Edmonton, Alberta T5X 5P4
+1780-887-6528
http://www.bosasopost.com